muhaajiriin Afghanistan u dhashay kana yimid Iran oo ku dhintay shil bas

0
104

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Shil baabuur oo ka dhacay galbeedka Afghanistan ayaa sababay geerida 73 qof, oo ay ku jiraan 17 carruur ah, iyadoo dadka intooda badan ay saarnaayeen bas siday muhaajiriin Afghanistaaniyiin ahaa oo laga masaafuriyey Iran, sida uu xaqiijiyey mas’uul ka tirsan Taliban oo la hadlay BBC Pashto.

Baska oo kusii jeeday magaalada Kabul ayaa dab qabsaday kadib markii uu ku dhacay baabuur xamuul ah iyo mooto, sida uu sheegay Ahmadullah Mottaqi, agaasimaha warfaafinta iyo dhaqanka ee Taliban ee gobolka Herat.

Wuxuu sheegay in dhammaan dadka saarnaa baska ay dhinteen, iyo sidoo kale laba qof oo saarnaa baabuurkii iyo mootadii shilka gala ayaa dhintay.

Bishii la soo dhaafay, Iran waxay kordhisay dadaalka ay kaga saaraysay dalkeeda muhaajiriinta Afghanistan ee aan sharciga haysan, kuwaasoo ka cararay dagaalada iyo xasillooni darrada dalkooda ka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here