Suudaanta Koonfureed oo shaqada ka erisay wasiirkii maaliyadda ee todobbaad muddo 4 sano ah

0
129

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir ayaa xilka ka qaaday wasiirkii maaliyadda ee dalkaas, sida ay shaacisay idaacadda ay dowladdu leedahay, kaasi oo noqonaya kii toddobaad ee laga tuuro xilka tan iyo sannadkii 2020-kii.

Kiir ma uu sheegin sabab uu shaqada uga ceydhiyay Marial Dongrin Ater, oo xilkan haysay tan iyo bishii July 2024. Raadiyaha dowladda ayaa sheegay goor dambe oo Khamiis ah in Athian Ding Athian uu qaban doono jagadaas, oo uu hore u hayay intii u dhaxeysay 2020 iyo 2021.

Kiir ayaa sidoo kale shaqada ka eryay wasiirkii u qaabilsanaa maalgashiga, sida ay sheegtay idaacaddu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here