Manchester United Oo Ku Dhow Saxiixa Goolhaye Cusub

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Saxafiga Talyaaniga ah ee ku takhasusay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Fabrizio Romano, ayaa sheegay in Manchester United ay weli ka shaqeynayso dhammaystirka heshiiska goolhayaha da’da yar ee reer Belgium Sin Lamens, kaasoo ka tirsan Royal Antwerp, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

– Advertisement –

Romano ayaa caddeeyay in wada-hadallo u socdaan labada dhinac, isla markaana horumar weyn laga sameeyay heshiiska shuruudaha shaqsiga ah, iyadoo la gaadhay is-afgarad ku dhow dhameystir oo u dhexeeya ciyaaryahanka iyo kooxda reer England.

Manchester United ayaa qorsheyneysa inay si dhakhso leh u dhamaystirto saxiixa goolhayaha, maadaama dhowr kooxood oo ka dhisan Faransiiska iyo Talyaaniga ay sidoo kale xiiseynayaan Lamens, taasoo ku qasbeysa United inay si degdeg ah usoo afjarto tartanka loogu jiro goolhayaha.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha Man United ay ku xoojinayso booska goolhayaha, iyadoo sidoo kale suuragal ay tahay in qaar ka mid ah magacyada booskan haya ay kooxda ka tagaan. Sidaas darteed, saxiixa xiddig mustaqbal leh sida Lamens ayaa loo arkaa ikhtiyaar istiraatiiji ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here