Baladweyne ( Radio Beerlula )-Booliska dalka Hindiya ayaa xiray nin sheegay dhawaan in lagu qasbay in uu aaso haween la kufsaday ka hor inta aan la dilin.
Sheegashada ninkan ee ah in falkan la geystay ayaa qalaqal galisay magaalo diimeedka yar ee Dharmasthala ee ku taal gobolka koonfurta ee Karnataka.
Muran siyaasadeed oo ka jiray gobolka ayaa keenay in dowladda ay sameyso koox gaar ah oo baaris sameysa si loo cadeeyo eedaha uu ninkan sheegayo ee ah in kufsi iyo dil la geystay.
Sarkaal ka tirsan kooxda baasrista ayaa BBC-da u xaqiijiyay in ninkan xiran loo haysto been-abuur.
Ilaa hadda waa la qariyay ninkaas in la aqoonsado, waxaana la arkay nin xiran dhar madow oo wajigana u daboolan yahay.


