Marwada madaxweynaha Turkiga oo warqad u dirtay marwada madaxweyanaha Mareykanka.

0
179

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Marwada koowaad ee dalka Turkiga ayaa ku boorisay Melania Trump inay ka hadasho caruurta ku dhibaataysan dagaalka Israa’iil ee Gaza.

Emine Erdogan ayaa ammaantay taageerada ay marwada koowaad ee Mareykanka u fidisay carruurta ay saameysay duullaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine, iyadoo ka codsatay inay “kordhiyo u qareemida ” Falastiiniyiinta.

Warqad ay daabacday madaxtooyada Turkiga, ayay Mrs Erdogan ku sheegtay in Qasa ay noqotay “xabaalaha carruurta”, iyada oo u sheegaysa Marwada Trump: “Waa inaan u midayno codkeenna iyo xooggeenna ka hortagga caddaalad-darradan.”

Arrintani waxay imaaneysaa xilli khubaro ku takhasustay amniga cuntada oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay qiimeeyeen in nus milyan qof ay la ildaran yihiin macaluul magaalada Qasa waxaana naftooda halis ugu jira nafaqo-darro ilaa 132,000 oo carruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here