Natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee Galmudug oo la shaaciyay .

0
152

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda waxbarashadda Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay imtixaanka shahaadiga ee fasalka 8-aad oo sannadkan ay ka qeyb galeen in ka badan 7 kun oo ardey oo la kala socday 191 dugsi oo ku yaalla 22 ka mid ah degmooyinka iyo deegannada Galmudug.

Imtixaankan ayaa lagu qaaday 41 xarumood, waxana qabsoomidiisa ka qeyb qaatay in ka badan 1,370 ruux oo iskugu jira howlwadeennada wasaaradda waxbarashadda Galmudug, kormeerayaal, iyo askarta sugeysay ammaanka.

waxa soo jeedineysa Sahro Ibrahim Dhicisow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here