Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan shan wariye ayaa lagu dilay duqeyn israaiil ka geystay meel ku dhow isbitaalka Naasir Khan Yuunis ee magaalada Qasa.
Xafiiska warbaahinta dowladda ee Gaza ayaa cadeeyay in afar wariye ay ahaayeen sawir qaadayaal u kala shaqeynayay wakaalada wararka ee Reuters iyo Aljazeera, marka laga soo tago wariye Moaz Abu Taha oo shabkada Mareykanka ee NBC ay beenisay in uu u shaqeynayay.
Sidoo kale waxaa la dilay Wariye Mariam Abu Daqqa oo u shaqeyneysay Warbaahino badan oo caalami ah oo ay ka mid yihiin Independent Arabia iyo Associated Press. Warqadda ay baahiyeen waxay muujisay sida ay uga naxsan yihiin dilka wariyahooda 33-jirka ah.
Ururka Caalamiga ah ee Saxafiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 212 Suxufi iyo Shaqaale Warbaahineed la dilay intii uu socday iska horimaadka militari ee Xamaas iyo Israel ku dhexmaraya Marinka Gaza.


