Baledweyne ( Radio Beerlula )-Seynisyahano ka tirsan jaamacad ku taal London oo lagu magacaabo King’s College London (KCL) ayaa shaaca ka qaaday in nooc ka mid ah borotiinka oo loo yaqaan Keratin kaas oo laga helo timaha, haraga iyo dhogorta uu dayactiri karo ciridka ay ku fadhiyaan ilkaha kana hortagi karo marka uu bilowdo suuska ilkaha gala.
Cilmibaaristan ayaa daboolka ka qaaday in Keratin-ka uu soo saaro lakab ilaaliya qaab dhismeedka iyo shaqada ciridka marka ay gaaraan macdanaha ku jira candhuufta.
Sara Gamea oo ah cilmibaare ka tirsan jaamacada KCL haysatana shahaadada PHD ayaa qortay cilmibaaristan.
Si caafimaadka ilkaha loo ilaaliyo, khubaradu waxa ay aaminsan yihiin in cadeyga uu wanaagsan yahay ilkaha marka wax la cuno ama qaxwe la cabbo ka dib.


