Bisad loo xaraashayo ka dib markii loo qabsaday deyn dalka Shiinaha.

0
129

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waxaa baraha bulshada hadal iyo dood weyn ka dhaliyay Bisad loo xaraashayo si daynta looga bixiyo mulkiilaheed.

Mukulaasha ayaa lagu tilmaamay mid caafimaad qabta oo wanaagsan, iyada oo maxkamada Yangzhou ay sii haysay, ka dib markii mulkiilaha uu ku guul daraystay inuu iska bixiyo deyn Bangi.

Waxaa lagu soo bandhigay suuqa ugu weyn ee shiinaha ee wax lagu iibsado online-ka, laakiin adeegsadayaasha ayaa ka carooday, su’aalna galiyay in xayawaankaasi la jecel yahay loola dhaqmo sida hanti la xaraashayo.

Bisada ayaa hadda laga saaray goobtii lagu soo bandhigay iibkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here