Baladweyne ( Radio Beerlula )-Haweenkaan oo ku nool magaalada Baladweyne ayaa bilaabay dadaallo aay ku dhimayaan miisaanka jirkooda iyo xanunada ka dhala kara aala-miira la-aanta sida sokorta iyo dufanka jirka iyagoo socod ka bilaaba subaxkasta suuqa daraawiishta waxaana aay tagaan duleedka magaalada si aay isaga keenaan dhidid badan .
Haweenkan ayaa koox koox isku raaca iyagoo adeegsanaya laamiga dheer ee dhaxmara magaalada .
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo luul Aadan Xuuseen


