Maamulka gobolka Banaadir oo dhagax dhigay warta siigaale oo biya qabad u ah ilaa todobo degmo.

0
174

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Warta Siigaale ee degmada Hodan, taas oo ah warta ugu weyn caasimadda, islamarkaana biyo-qabad u ah ilaa todobo degmo oo ka tirsan magaalada.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, Guddoomiyaha degmada Hodan, Mudane Cali Fahle, iyo agaasimayaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Sahra Ibraahim Dhicisoow.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here