Maxkamadda ku talla dalka Equatorial Guinea oo xukun ku riday xubno loo heysto Musuqmaasuq.

0
152

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamadda gobolka Bioko ee dalka Equatorial Guinea ayaa 8 sano oo xarig ah ku xukuntay Baltasar Ebang Engonga oo ahaa madaxii hore ee Hay’adda Baarista Maaliyadda Qaranka (NFIA), kaddib markii lagu helay lunsasho hanti dadweyne iyo hanti uu si sharci darro ah u qaatay.

Engonga oo ay wehliyaan shan sarkaal oo kale ayaa lagu helay dambi ah in ay xadeen lacag boqolaal kun oo dollar ah oo lagala baxay khasnadda qaranka, islamarkaana dhaqaalahaasi ay u isticmaaleen danahooda gaarka ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku xukuntay in ay bixiyaan ganaax lacageed oo aad u badan iyadoo Engonga ayaa lagu ganaaxay $220,000, halka saraakiisha kale ee lagu soo oogay inay gacan ku lahaayeen dembigaasi lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.

Baltasar Ebang Engonga waxa abti u ah ah madaxweyne Teodoro Obiang Nguema, kaas oo xukunka hayay tan iyo sanadkii 1979-kii, kaas oo ay da’diisu tahay 82 jir.

Engonga ayaa ka mid ahaa dadka loo arko in ay ku soo bixi karaan xilka Madaxweynaha. Xukunka ayaa muujinaya caqabadaha culus ee hortaagan la xisaabtanka madaxda dowladda, gaar ahaan dal qani ku ah shidaalka balse sidoo kale ay ka jirto dhaqaale xumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here