Sharci laga soo saaray isticmaalka taleefanka wax ka badan laba saacadood maalintii.

0
99

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalo ku taal bartamaha dalka Jabbaan ayaa doonaysa in ay xaddiddo isticmaalka taleefannada casriga ah ee dhammaan dadka deggan 69,000 ee deggan oo laga dhigo laba saacadood maalintii. Tallaabadaas ayaa dhalisay dood xooggan oo ku saabsan la qabsiga aaladaha.

Soo jeedintan, oo la rumeysan yahay in ay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee dalka Jabbaan, ayaa waxaa hadda ka doodaya sharci-dajiyayaashu kaddib markii ay u soo gudbisay dawladda hoose ee Toyoake ee Aichi horraantii toddobaadkan.

Duqa magaalada Toyoake ayaa sheegay in soo jeedinta kaliya khuseysa goobaha ka baxsan shaqada iyo waxbarashada, bal se taas bedelkeeda loola jeedo in dadka lagu dhiirrigeliyo maaraynta wakhtiga ay shaashadaha moobayllada ku bixinayaan.

Ma jiri doonto wax ciqaab ah oo ku saabsan jebinta sharciga, kaas oo la ansixin doono bisha Oktoobar haddii ay meelmariayaan xildhibaannadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here