Baledweyne ( Radio Beerlula )- Gabar yar oo dhibane u ah farxumeyn loo geystay markii ay ilmaha aheyd ayaa weydiisatay Elon Musk in uu joojiyo muuqaallada faraxumeynta ee lagu baahinayo shirkadiisa X.
“Markii aan maqlay xadgudubkii aan la kulmay iyo kuwa kale oo ku dhacay dad kale in ay ku jiraan baraha bulshada sida alaab la iibinayo, waa wax laga xumaado” ayey tiri gabadhaas oo magacaadi la qariyay loona bixiyay Zora, waxay ku nooshahay Mareykanka. Markii ay la kulantay xadugudbka waxaa laga joogaa 20 sano.
Shirkada X waxay sheegeen in aysan aqbaleynin waxybaaha la xiriira faraxumeynta carruurta, waxayna sheegeen in ay la dagaallamayaan kuwa ka faa’ideysanaya carruurta.
Sanadkii la soo dhaafay oo kaliya xarunta NCMEC oo ah xarun ka shaqeeysa carruurta la la’yahay iyo kuwa lagu xadgudbo ayaa sheegtay in ay heleen warbixino ka badan 20 milyan oo ku saabsan carruurta lagu xadgudbo.


