Madaxweynaha shanta sano ee soo socota ee waqooyi Bari Soomaliya oo la doortay.

0
182

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa maanta loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya isagoo helay 62 cod halka musharax la tartamayay Cabdirisaaq Khaliif uu helay 18 cod.

Musharaxiinta kale ee ka qeyb galay tartanka doorashada madaxweynaha ayaa kala Jamaal Maxamed Xassan oo helay 15 cod, Rashiid Faarax Maxamuud 4 cod, Maxamuud Yuusuf Xassan, Cabdirisaaq Khaliif oo helay 20 cod.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa loo doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil kadib markii ay tanaasuleen musharixiintii kale ee kula tartami laheyd doorashada, waxana loo qaaday cod gacan tag ah.

waxa soo jeedinaya Cabdiqaadir Cumar Ibraahim.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here