Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ka daahfurtay shirka hannaanka wadashaqeynta tiirarka Qorshaha Isbeddelka Qaran.

0
143

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Shirka horudhaca ah ee Hannaanka Wada-shaqeynta Tiirarka Qorshaha Isbeddelka Qaran, oo socon doona 31 Ogosto – 03 Sebteembar 2025, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho waxaana Maalinta 1-aad diiradda lagu saaray Tiirka Dowlad Wanaaga, iyadoo lagu falanqeeyay horumarka laga gaaray yoolalka muhiimka ah ee Qorshaha Isbeddelka Qaran 2025,

Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Waaxda Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxaana ka qeybgalay xubno kamid ah hay’adaha Qaramada Midoobay,Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda ,iyo madax kale.

waxa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here