Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Faarax Caadaani, ayaa xarigga ka jaray waddo muhiim ah oo laga hirgeliyay Waaxda Wajeer ee degmadaas, taas oo si weyn u fududeyn doonta isu-socodka bulshada.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa kasoo qeybgalay odayaal, waxgarad, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


