Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa shaaca ka qaaday sababta uu ciyaaryahanka cusub ee kooxda, Eberechi Eze, uusan ugu bilaabin kulankii ay 1-0 kaga hareen Liverpool garoonka Anfield.
Arsenal ayaa guuldarro kala kulantay Reds kadib markii Dominik Szoboszlai uu qeybtii labaad dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta.
Eze, oo dhawaan kasoo wareegay Crystal Palace, ayaa la soo galiyay ciyaarta daqiiqaddii 70-aad isagoo beddelay Gabriel Martinelli, balse kama uusan badbaadin Gunners guuldarrada.
Markii la weydiiyay sababta uu keydka u dhigay Eze, Arteta ayaa yiri:
“Wuxuu nala joogay 4 ama 5 maalmood oo keliya.
Wuxuu helay waayo-aragnimo fiican maanta.
Waxaan si buuxda u aaminay ciyaartoydii garoonka ku soo bilowday.”
Eze ayaa rajeynaya inuu kulanka xiga ee Arsenal ku soo bilowdo, marka ay la ciyaarayaan Nottingham Forest kadib fasaxa caalamiga ah.
Da’yarkan khadka dhexe ee xulka England ayaa lagu qiimeeyay mid ka mid ah saxiixyada ugu muhiimsan ee xagaagan, waxaana taageerayaasha Gunners ka filayaan inuu kooxda ku soo kordhiyo hal-abuur iyo xirfad sare.


