Tababar ku saabsan soo saarista calafka xoolaha oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo

0
103

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ku soo gabagabeysay tababar ku saabsan soo saarista calafka xoolaha.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayna la kaashaneysay hay’adda GIZ, ayaa waxaa ka faa’iideystay qaar ka mid ah bulshada Baydhabo, kuwaas oo lagu baray hababka ugu fudud ee lagu beeri karo cawska xoolaha.

waxa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here