Saxiixyadii Ugu Qaalisanaa Taariikhda Premier League Oo Lasoo Saaray Kadib Heshiiskii Isak Ee Liverpool

0
136

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Liverpool ayaa markale jebisay rikoodhka suuqa Ingiriiska kadib markii ay dhammeystirtay saxiixa weeraryahankii Newcastle United, Alexander Isak, oo ku kacay £125m.

Kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa horraantii xagaagan rikoodhka ku jebisay saxiixii Florian Wirtz oo £116m kaga yimid Bayer Leverkusen. Ka hor inta aan la gaarin xagaagan, waxaa kaliya afar jeer la dhaafay £100m gudaha Premier League.

Liiska saxiixyada ugu qaalisan ee Premier League:

  1. Alexander Isak – Newcastle → Liverpool (£125m)
  2. Florian Wirtz – Leverkusen → Liverpool (£116m)
  3. Moises Caicedo – Brighton → Chelsea (£115m)
  4. Enzo Fernandez – Benfica → Chelsea (£106.5m)
  5. Declan Rice – West Ham → Arsenal (£105m)
  6. Jack Grealish – Aston Villa → Man City (£100m)
  7. Romelu Lukaku – Inter Milan → Chelsea (£97.5m)

Liverpool ayaa sidaas ku noqotay kooxda ugu firfircoon suuqa xagaagan, iyadoo laba jeer jebisay rikoodhka taariikhiga ah ee Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here