Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka oo maanta dunida laga xusayo

0
104

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sannad kasta 5-ta bisha September oo maanta ku beegan waxaa dunida looga dabal dega maalinta Caalamiga ah ee Samafalka kadib markii uu meelmariyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay sanadkii 2012.

Ujeeddada ugu weyn ee Maalinta Caalamiga ah ee Samafalka waa in kor loo qaado wacyiga iyo In la qabto madal guud oo lagu dhirigelinayo kuwa ka shaqeeya arrimaha samafalka sida shaqsiyadda iyo ururada.

Ajandaha Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay ee 2030 wuxuu dhigaya in ciribtirka saboolnimada uu yahay udub-dhexaadka hawsha caalamiga ah.

Saboolnimadu ma aha oo keliya dhaqaale la’aan; waxay kaloo ka dhigan tahay gaajo, takoor, xaalado nololeed, iyo helitaan la’aanta waxbarasho ama caafimaad.

Dalkeenna Soomaaliya wuxuu ka mid yahay dalalka ku tiirsan tageerada caalamka iyo shaqsiyadda caawiya dadka nugul maadaam dalkeenna ay ka jiran xaalado adag oo ay sababaan colaado, abaaro soo noqnoqda, fatahaado iyo barakac iyadoona Malaayiin qof ay wajahayaan cunto yari, hoy la’aan iyo adeeg caafimaad oo xaddidan. Samafalku wuxuu noqday gargaar degdeg ah oo lagu badbaadiyo nolosha dadkaas.

Bulshada Soomaaliyeed waxay dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ku wanaagsan yihiin is-caawinta. Qaaraanka, zakada, sadaqada iyo gargaarka bulshada ayaa ah habab samafal oo qotodheer ugu xidhan dhaqanka iyo caqiidada Islaamka.

Samafalku wuxuu bulshada ku dhisaa kalgacal iyo is-aamin, wuxuuna abuuraa dareen wadajir ah. Marka qoys barakacay la caawiyo, ama carruur la siiyo waxbarasho, bulshada inteeda kale waxay dareemaan in ay iyaguna qeyb ka yihiin xalinta dhibaatada.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here