Tababar lagu kobcinayo xirfaddaha gabdhaha macalimiinta ah oo laga daah furay Baladweyne iyo Jowhar.

0
139

Waxaa maanta magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar si rasmi ah uga furmay Tababar lagu kobcinayo xirfadaha macallinnimada gabdhaha, kaas oo ay taageerayso Global Partnership for Education (GPE), islamarkaana uu hirgelinayo Machadka Tababarka Macallimiinta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Hirshabelle.

Tababarkan oo socon doona muddo hal sano iyo siddeed bilood ah ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu diyaariyo hablaha inay ka mid noqdaan macallimiinta mustaqbalka, si loo xoojiyo kaalinta ay ku leeyihiin waxbaridda iyo horumarinta bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here