Tobnaan kun oo Israa’iiliyiin ah oo dalbaday in la joojiyo dagaalka Qasa.

0
146

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tobanaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa bannaanbax ka dhigay magaalada Quddus iyo Tel Aviv, iyagoo si toos ah ugu baaqaya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump inuu joojiyo dagaalka Qasa, lana sii daayo la haystayaasha.

Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in dibad baxayaasha magaalada Quddus ay ka soo baxeen meel u dhow albaabka laga soo galo magaalada, kuna sii jeedeen dhanka guriga uu deggan yahay Netanyahu ee Waddada Gaza, iyagoo kor u taagay boor ay ku qoran yihiin “Dowladda hooska dhimashada” waxayna ku dhawaaqayeen, “Waa maxay sababta ay weli Qasa ugu sugan yihiin?”

Dibad-baxayaasha ayaa sidoo kale isugu soo baxay fagaare ku yaalla bannaanka hore ee xarunta milateriga ee magaalada Talaabiib, iyagoo lulaya calanka Israa’iil, isla markaana wata boorar ay ku sawiran yihiin dadka la qafaashay.

Qaarkood waxay wateen calaamado, ay ku jirto mid ay ku qoran tahay: “Dhaxalkii Trump ayaa sii burburaya iyadoo dagaalka Qasa uu sii socdo.” Mid kale ayaa qoray: “Madaxweyne Trump, badbaadi la haystayaasha hadda!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here