Shirkadda Meta oo isbadal ku sameyneysa barnaamijkeeda garaadka macmalka.

0
105

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Shirkadda Meta ee iska leh Facebook, Instagram iyo WhatsApp ayaa sheegtay in ay soo bandhigi doonto talaabooyin u badan ilaalin oo ku saabsan barnaamijkeeda garaadka macmalka ah (AI) ee dadka la hadla, waxaana taalaabooyinkaas ku jira ka hor istaagidda in ay kala hadlaan carruurta wax ku saabsan isdilka, is-waxyeelaynta iyo khalkhalka cuntada.

Waxay timid laba toddobaad ka dib markii senatar Mareykan ah uu bilaabay baaritaan ku saabsan shirkadda weyn ee teknolojiyadda, ka dib qoraallo ku jira dukumeenti gudaha ah oo la faafiyay oo soo jeediyay in barnaamijkeeda AI uu carruurta kurayga ah kala sheekeysan karo “dareenkooda”.
Shirkaddu waxay ku tilmaantay qoraallada ku jira dukumeentiga oo ay heshay Reuters, inay yihiin kuwo khaldan oo aan waafaqsanayn siyaasadaheeda oo mamnuucaya wax kasta oo ku saabsan galmada carruurta.

Isbeddellada ayaa yimid iyada oo ay jirto walaac laga qabo suurtagalnimada in AI chatbots ay marin habaabiyaan isticmaaleyaasha da’yarta ama nugul.

Lamaane reer California ah ayaa dhawaan ku dacweeyay shirkadda ChatGPT oo saamaysa OpenAI geerida wiilkooda oo da’yar, iyagoo ku eedeeyay chatbot-keeda inay ku dhiirigelisay inuu naftiisa gooyo.

Dacwadda ayaa timid ka dib markii shirkaddu ay ku dhawaaqday bishii hore isbeddello lagu horumarinayo isticmaalka ChatGPT.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here