Baledweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Laascaanood ka daahfuray dhismaha Xarunta Gargarka Degdegga ah iyo Bakhaarka Kaydka Raashinka ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari.
waxaa ka qeyb galay munaasibadda furitaanka Wasiirka Gargaarka Dowlad goboleedka Waqooyi Bari Cabdirisaaq Hindi, wasiirrada Diinta iyo Awqaafta, Tamarta iyo Biyaha maamulkaas, iyo madaxda shirkadda qandaraaska ku guuleysatay.
Warkan Waxaa inoo Haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


