Baledweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Man United ayaa sii wada guuldarooyinkii premier League kadib markii ay guuldaro kala kulantay Man City.
Kooxda Amorim ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Man City kulan ka dhacay Etihad Staduim.
Kadib guuldarada Man United ayaa kaliya 4 dhibcood ka heshay 4 kulan oo ay ciyaartay premier League.
Man United ayaa badisay hal kulan halka ay bar-baro gashay kualn kale lagana badiyay 2.
Sidaas darted xilli ciyaareedkan waa midkii ugu xumaa ee ay Man United ku bilaabatay tan ilaa xilli ciyaareedkii 1992/1993 markaas oo ay sidoo kale 4 dhibcood ka heleen 4 kulan.


