Madaxweynaha Iran oo dalalka Islaamka ugu baaqay in ay xiriirka u jaraan Israa’iil

0
76

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, oo ka mid ah madaxda ka qayb galays ashirka dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka uga socda dalka Qadar ayaa ku boorriyay dalalka Islaamka inay jaraan xiriirka ay la leeyihiin Israel.

“Dalalka Islaamku way jari karaan xiriirkooda ay la leeyihiin maqaar-saarkan been abuurka ah, waxayna ilaalin karaan midnimadooda iyo isku-duubnidooda intii suurtagal ah,” ayuu yiri Pezeshkian isaga oo ka dhoofayay Doha, rajana ka muujiyay in shirka ay “ka soo bixi doonaan gabagabada” tallaabooyin laga qadao Israel.

Duqeymihii Israel ayaa sababay dhimashada shan xubnood oo ka tirsan Xamaas iyo xubin ka tirsan ciidamada amniga ee Qadar.Qadar ayaa aad uga carootay tallaabadaasi, waxaana ay sheegtay in jawaab ay ka bixin doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here