Shir madaxeedka Dooxa oo laga soo saaray qodob muhiim ah.

0
59

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Shir madaxeedkii Dooxa ee hoggaamiyeyaasha Islaamka iyo Carabta , ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed qodobbada ugu waaweyn ee lagu heshiiyayna waxaa ka mid ahaa:

•In la dib u eego xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee lala leeyahay Israa|l, loona istaago si mideysan qorshayaasha Israa|l uga shaqeyso sidii ay gobolka uga abuuri lahayd xaqiiqooyin cusub.

•In la cambaareeyo weerarkii 9-kii September ee Israa|l ku qaaday guri hoy u ahaa wafuudda wadaxaajoodka ee Dooxa, kaas oo sababay dhimashada muwaadin Qataari ah iyo dhaawacyo kale, iyadoo lagu tilmaamay weerar sharci-darro ah oo caddeyn u ah gardarrada xukuumadda Netanyahu.

•In la muujiyo taageero buuxda oo lala garab istaago Qatar, isla markaana la taageero tallaabo kasta oo ay qaaddo si ay u difaacdo amnigeeda, madaxbannaanideeda iyo muwaadiniinteeda.

•In la xasuusto in Qatar tahay dal dhex-dhexaadin muhiim ah oo ka shaqeynaya sidii loo joojin lahaa dagaalka Qasa iyo sii deynta maxaabiista, sidaas darteedna weerarka lagu qaaday uu yahay mid ka dhan ah dadaallada nabadda caalamiga ah.

•In la bogaadiyo sida ay Qatar si miyir leh ugala falcelisay weerarka, iyada oo ku adkaysatay in lagu wajaho arrinta iyadoo la adeegsanayo shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah.

•In la taageero doorka Qatar, Masar iyo Maraykanka ee dhexdhexaadinta xabbad-joojinta Qasa, isla markaana la ammaano dadaallada Qatar ee dhinaca gargaar bani’aadamnimo iyo taageerada waxbarashada caalamka Muslimka iyo dalalka saboolka ah.

•In si cad loo diido marmarsiinyo kasta oo lagu difaaco weerarka Israa|l ku qaaday Qatar, iyadoo loo arko xadgudub sharci ah iyo isku day lagu fashilinayo dadaallada nabadda ee socda.

•In la cambaareeyo hanjabaadaha Israa|l ee ah inay mar kale beegsan karto Qatar ama dalal kale oo Carbeed ama Islaami ah, iyadoo looga digay in tani tahay khatar weyn oo caalami ah.

•In la xoojiyo baahida loo qabo iskaashi Carbeed–Islaami ah oo mideysan, loona shaqeeyo sidii gobolka looga dhigi lahaa mid ka caagan hubka wax gumaada sida nukliyeerka.

•In la diido isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin ama lagu darsanayo dhul Falastiini ah, loona arko dambiyo ka dhan ah bini’aadanimada.

•In la xoojiyo qorshayaasha lagu taageerayo dib u dhiska Qasa iyo in la abaabulo shir caalami ah oo arrintaas looga hadlo.

•In dalalka Carabta iyo Islaamka ay u ol’oleeyaan in la hakiyo xubinnimada Israa|l ee Qaramada Midoobay maadaama ay jebisay shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah.

•In la taageero hindisaha Qaramada Midoobay ee xalka laba dal iyo in la aqoonsado dawlad Falastiin oo madax-bannaan oo caasimaddu tahay Bariga Qudus.

Shirku wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay doorka ay dalalka sida Aljeeriya, Soomaaliya iyo Pakistan ka qaadanayaan difaaca qadiyadda Falastiin iyo ka hortagga gardarrada Israa|l ee Qaaa iyo gobolka.
Waxaa la xoojiyay taageerada Jordan ee ilaalinta goobaha barakaysan ee Qudus iyo sidoo kale kaalinta Morocco ee guddiga Qudus.

Ugu dambeyn, shir-madaxeedku wuxuu sheegay in nabad waarta oo caddaalad ku dhisan oo Bariga Dhexe ah aysan suuragal noqon doonin haddii la iska indho tiro qadiyadda Falastiin, waxayna ku baaqeen in la dejiyo jadwal cad oo lagu soo afjaro gumeysiga Israa|l, laguna xaqiijiyo xuquuqda shacabka Falastiin ee aan la dafiri karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here