Harvey Elliot Oo Daboolka Ka Rogay Sababta Ugu Weyn Ee Uu Liverpool Kaga Tagay

0
74

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingiriiska, Harvey Elliott, ayaa ka sheekeeyay go’aankii murugada badnaa ee uu kaga tagay Liverpool maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, isagoo qirtay inay qasab ku noqotay inuu qaado tallaabadaas si uu u horumariyo xirfadiisa.

Elliott, oo 22 jir ah, ayaa ugu biiray Aston Villa heshiis amaah ah oo lagu daray qodob  £35 milyan oo lagu iibsan doono dhammaadka xilli-ciyaareedka. Wuxuu hore ugu ciyaaray Liverpool muddo lix sano ah, isagoo sameeyay 149 kulan ka hor inta uusan kursiga keydka u dhicin tan iyo markii Arne Slot uu kooxda la wareegay.

Wuxuu kulankiisii ugu horreeyay ee Villa ciyaaray Sabtidii, isagoo 20 daqiiqo u saftay kooxdaas kulankii barbaraha 0-0 ay la galeen Everton garoonka Hill Dickinson Stadium.

 

“Runtii aad bay u adkayd [in aan ka tago]. Marka hore go’aanka in aan baxo, dabadeedna raadinta kooxda ugu fiican ee aan u dhaqaaqo. Waxaa jiray go’aamo adag oo aan qaatay, waxaan fariistay aniga iyo kooxda oo aan faahfaahin badan ka sameynay, balse ugu dambeyn go’aanka la gaaray wuxuu ahaa inaan halkan imaado.”

 

“Waxaan ahay mid aad u faraxsan, sidii aan ku iri wareysigeygii saxiixa, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waxaanan doonayaa inaan horay ugu sii socdo si aan kooxdaan u geeyo meesha ay istaahisho. Kooxdan wax walba waa suuragal haddii aan wada dagaalanno oo aan sii wadno dadaalka.”

Elliott ayaa xusay jacaylkiisa Liverpool:

“Wax kasta oo aan halkaas ku qaatay waan jeclaa – ilbiriqsi kasta, maalin wakba. Waxba ma beddeli laheyn run ahaantii. Waxaan ka bartay wax badan, waxaana ku qaatay waayo-aragnimo muhiim ah. Laakiin waxa ugu muhiimsan ee aan ka fikirayay go’aankaas waxay ahayd inaan ciyaaro kubbadda cagta heerka koowaad. Waxaan u baahanahay inaan joogo koox aan fursado joogto ah ku helayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here