Baledweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daahfuray qeybinta buugaagta manhajka dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka loogu qaybinayay ardayda ku jirta Iskuulka Gabdhaha Agoonta ee degmada Boondheere.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta heerarka kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


