Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Saciid Hagar Camalow, ayaa dhagax dhigay labo dugsi oo cusub oo laga hirgelinayo degmooyinka Buulobarde iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.
Wasiirka oo ay weheliyaan maamulka degmada Buulobarde ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Xagar ee degmada Buulobarde, iyo Dugsiga Hoose/Dhexe/Sare ee Warsame Rooti ee degmada Halgan.
Warkan waxaa inoo haya Sahra Ibraahin Dhicisoow


