Qaxii ugu weynaa oo ka socda magaalada Qasa.

0
108

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kumanaan qoys ayaa isku dayaya inay ka qaxaan magaalada Qaza xilli ciidamada Israa’iil ay xaqiijiyeen inay bilaabeen howlgallo dhulka ah oo qeyb ka ah weerarrada ballaaran ee ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada.

Lina al-Maghrebi, oo 32 jir ah, hooyo saddex carruur ah leh oo deggan xaafadda Sheekh Radwan ee magaalada ayaa BBC-da u sheegtay in ay ka madax adaygtay in ay ka baxdo gurigeeda – inkasta oo ay khatartu jirto – ilaa ay ka heshay taleefoon uu soo diray sarkaal Israa’iili ah oo ku amray in ay ka guurto.

“Waxaa la igu qasbay in aan iibiyo dahabkayga si aan u bixiyo kharashka barakaca iyo teendhada,” ayay tiri. “Waxay nagu qaadatay 10 saacadood inaan gaarno Khan Younis,”ayay tiri Lina al-Maghrebi.

Hawlgalka ayaa waxaa uu soo jiitay cambaareyn ballaaran oo caalami ah oo ay ku jiraan kuwo ka imaanaya madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here