Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasaaradda cadaaladda iyo arimaha dastuurka XFS oo kaashaneysa wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Baydhabo ku soo gaba gabeysay aqoon isweydarsi ku saabsan horumarinta arrimaha cadaaladda caruurta iyo ka hortaga tacadiyadda loo geysto.
Xeritaanka aqoon isweydaarsigaan waxaa ka qayb-galay Xubno kasocday Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS iyo dhammaan qaybaha bahda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed, sida Maxkamadaha, Asluubta, Xeer-ilaalinta, Booliiska, Ururka Qareenada iyo Xubno Kasocday Bulshada Rayidka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


