Dalka Guinea oo afti dadweyne ku baddelaya dastuurka

0
123

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dadka dalka Guinea ayaa lagu wadaa inay u codeeyaan Axadda afti ku saabsan dastuur cusub oo u oggolaanaya hoggaamiyaha militariga Mamady Doumbouya inuu u tartamo madaxweyne, taas oo ah wax uu ballan qaaday inuusan sameyn doonin markii uu xukunka qabtay afar sano ka hor.

Heshiiskii ku-meel-gaarka ahaa ee la ansixiyay ka dib afgambigii Sebtember 2021 ayaa lagu sheegay in militariga laga mamnuuci doono inuu u tartamo doorashooyinka qaran iyo kuwa deegaanka ee mustaqbalka, laakiin dastuurka cusub kuma jiraan qoddobadaas.
Doumbouya ma uusan sheegin waxa qorshihiisu yahay. Dadka dhaleeceeya ayaa ku tilmaamay aftida inay tahay awood-marooqsi.

isku daygii ugu dambeeyay ee isbeddel siyaasadeed ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika kadib markii ay dheceen oo siddeed afgambi oo dhacay intii u dhaxeysay 2020 iyo 2023 kuwaasoo badalay muuqaalka siyaasadeed ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here