Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa si weyn u amaanay khadkiisa dhexe kadib guushii 2-1 ee ay kooxdiisu ka gaartay Newcastle United, isagoo si gaar ah u bogaadiyay Pedri iyo Frenkie De Jong.
Labada ciyaaryahan ayaa xakameeyay ciyaarta inkastoo Newcastle ay ku ciyaaraysay awood jireed badan, taasoo Barcelona siisay farqiga ay ku guuleysteen kulanka.
“Pedri iyo Frenkie marka ay garoonka joogaan, way adag tahay in nala cadaadiyo,” ayuu yiri Flick.
“Maanta labaduba ciyaar weyn ayey soo bandhigeen, waxaana ku faraxsanahay kalsoonida ay ku ciyaarayaan.”
Guusha waxaa u xaqiijiyay Marcus Rashford, oo dhaliyay laba gool oo qurux badan – kuwaas oo ugu horreeyay xilli ciyaareedkiisa Barca.
Flick ayaa sidoo kale ka hadlay goolashii Rashford:
“Waxaan rabaa inaan dib u daawado labada gool, balse waxaa laga yaabaa in midda labaad ay fiicneyd,” ayuu yiri.
“Muhiimadu waa inuu Rashford kalsooni helo, annaguna waan ka caawinaynaa. Goolkii labaad aad buu u qurux badnaa, mana layaabani, sababtoo ah wuxuu sidaas ku sameeyaa tababarka.”


