Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Taliban ee Afgaanistaan ayaa mamnuucday buugaag ay qoreen haween, waxaana laga saaray jaamacadaha, iyadoo amar cusub lagu soo rogay.
Amarkan cusub, waxaa sidoo kale lagu mamnuucay barashada maadooyinka sida xuquuqda aadanaha iyo tacaddiyada jinsiga ah.
Taliban waxay mamnuuceen 680 buug, oo ay ku jiraan ku dhawaad 140 buug oo ay qoreen haween, oo ay ka mid tahay buugga “Badbaadada Shaybaarka Kiimikada.”
Taliban waxay sheegeen in buugaagtani ay ka hor imaanayaan siyaasaddooda iyo shareecada Islaamka.
Jaamacadaha waxaa sidoo kale la faray in aysan wax ka dhigi karin 18 maaddo, kuwaas oo saraakiisha Taliban ay sheegeen in aysan waafaqsanayn mabaadi’da shareecada iyo siyaasadda nidaamka.
Amarkan waa tallaabo kale oo qayb ka ah xayiraado taxane ah oo Taliban ay kusoo rogeen dalka afartii sano ee la soo dhaafay.
Toddobaadkan, internet-ka fiber optic-ga ayaa laga mamnuucay ugu yaraan 10 gobol, iyadoo uu amray hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban, waxaana saraakiisha sheegeen in ujeeddadu tahay in laga hortago akhlaaq xumada.


