Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac Puntland iyo Galmudug ayaa si wadajir ah u qabtay kulan nabadeed iyo dib u heshiisiin ah oo lagu soo afjarayay khilaafkii dhowaan soo kala dhex galay beelo walaala ah kuwaasi oo wada daga Bariga gobolka Mudug.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka amniga Galmudug, Guddiyada nabadda iyo isdhexgalka labada dhinac, Ganacsato, Odayaal, Culimaa’udiin, Isimo, Haweenka iyo waxgarad
waxa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


