Madaxweynihii hore ee Filibiin oo la soo taagey maxkamadda ICC

0
118

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madxweynihii hore ee Filibiin Rodrigo Duterte ayaa la soo taagey maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC), halkaas oo lagula soo oogey dacwad la xiriirta dambiyo ka dhan ah xaquuqda aadanah.

Duterte oo 80 sano jir ah ayaa ku eedeysan in uu mas’uul ka ahaa dilka tobannaan ruux oo la toogtey intii lagu gudajirey hawlgallo ka dhan ah maandooriyaha oo la fuliyey xilligii uu madaxweynaha ahaa.

Ku-xigeenka Dacwad oogaha maxkamadda ICC Mame Mandiaye Niang ayaa sheegay in Duterte uu si dadban ugu lug lahaa dil loo geystey dad lagu tuhmayey in ay qayb ka yihiin kooxo boolisku u qabteen in nay maandooriye ku lug lahaayeen.

Mr Duterte ayaa talada dalka Filibiin hayey intii u dhexeysay 2016 and 2022, xilligaas oo uu olole ballaaran ku qaaday kooxaha isticmaala ama ka ganacsada maandooriyaha oo uu ka dhigay qaar la xiro iyo in la dilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here