Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbaahinta Spain ayaa sheegay in kooxda reer England ee Manchester City ay diyaarinayso dalab dhan €120 milyan si ay ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal, Joao Neves, kaasoo haatan ka tirsan Paris Saint-Germain.
Sida uu qoray bogga Fichajes, maamulka City ayaa Neves u arka beddelka muddada fog ee Rodri, iyagoo doonaya in heshiiska la dhammeeystiro xilli dhow si ay khadka dhexe ugu xoojiyaan ciyaaryahan da’yar oo karti badan leh.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinnadu waxay tilmaamayaan in heshiiskan uu wajihi karo tartan adag maadaama kooxo waa weyn oo Yurub ah ay sidoo kale xiiseynayaan saxiixa ciyaaryahanka 20-jirka ah.
Neves ayaa ku biiray PSG sannadkii 2024, isagoo kaga yimid Benfica qiimo dhan €65 milyan. Tan iyo markaas wuxuu u saftay kooxda Faransiiska 63 kulan, isagoo dhaliyay 10 gool isla markaana caawiyay 10 kale


