Baledweyne ( Radio Beerlula )- In ka badan 20 qof ayaa laga soo badbaadiyay gudaha Kenya kuwaas oo koox looga shakisan yahay inay dadka tahriibiyaan ay kusoo jiiteen shaqooyin ay ugu qaadayaan dalka Ruushka, balse la doonayay in loo diro si ay uga dagaallamaan Ukraine, sida ay booliisku sheegeen.
Waxay daba socotaa howlgal guri guri ah oo ay sirdoonku hoggaaminayeen oo laga sameeyay duleedka caasimadda Nairobi, halkaas oo ay askartu ku qabteen qalab shaqaaleysiin ah, waraaqo socdaal iyo waraaqo shaqo.
Mid ka mid ah tuhmanayaasha, oo lagu eedeeyay in uu xiriirinayey safarradii dhibbanayaasha ee Russia bilihii September iyo October, ayaa la xiray.
Waxaa la geeyey maxkamad, taasoo u oggolaatay in xabsiga lagu sii hayo muddo 10 maalmood ah, inta ay boolisku soo gabagabeynayaan baaritaannada


