Trump oo amray in ciidamo loo diro magaalada Portland si loo ilaaliyo xarumaha lagu hayo muhaajiriinta.

0
115

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa amray in ciidamada Mareykan ah loo diro magaalada Portland ee gobolka Oregon, isagoo sidoo kale oggolaaday in la adeegsado “xoog buuxa” haddii loo baahdo, si loo xakameeyo mudaaharaadyo ka dhan ah xarumaha lagu hayo dadka muhaajiriinta ah.

Trump wuxuu sheegay inuu “amar siiyay Wasiirka Dagaalka, Pete Hegseth, si uu u bixiyo dhammaan ciidamada lagama maarmaanka u ah si loo ilaaliyo magaalada Portland oo uu ku tilmaamay mid dagaal lagu burburiyay.”

Wuxuu ku andacooday in tallaabadani ay ka caawin doonto in la ilaaliyo goobaha lagu hayo muhaajiriinta

Xildhibaanno ka tirsan xisbiga Dimuqraadi ah ayaa dhaleeceeyay qorshahan iyagoo sheegay in aysan jirin wax baahi ah oo keeni karta in ciidamo federaal ah loo diro magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here