FIFA Oo Qorsheyneysa In Tartanka Koobka Adduunka Ee Kooxaha Lagu Kordhiyo Kooxo Premier League Ka Ciyaara

0
61

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Warbixin ay daabacday The Times ayaa sheegaysa in FIFA ay u muuqato mid diyaar u ah inay kordhiso tirada kooxaha hal dal ka iman kara ee Club World Cup 2029, iyadoo saddex koox oo Premier League ah la filayo inay ka qeyb gali karaan, halkii horey uga ahaa ugu badnaan laba.

FIFA ayaa ka carootay in tartankii xagaagan ee 32-ka kooxood ee lagu qabtay Maraykanka uu socday iyadoo aan lagu arkin kooxo waaweyn sida Liverpool, Barcelona iyo Napoli, taas oo dhaawacday sumcadda tartanka oo loo yaqaan “kan ugu weyn aduunka”.

Si looga hortago xaalad kale oo la mid ah tan, FIFA waxay dooneysaa in kooxo dheeraad ah loo ogolaado, gaar ahaan dalalka leh tartamada adag ee kooxaha Yurub.

UEFA ma diidaneyn qorshahan, balse waxay si cad uga soo horjeedaa in tartanka laga ballaariyo wax ka badan 32 koox ama in la qabto in ka badan afar sanaba mar.

Go’aan kama dambeys ah wali lama gaarin, iyadoo wada-hadalladu ay sii socon doonaan kulanka FIFA Council ee la qabanayo maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here