Baledweyne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa haatan ah gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka UEFA Champions League kadib dhammaadka kulamadii toddobaadkan la ciyaaray Arbacadii.
Kabtanka xulka France ayaa dhaliyay shan gool, kaddib markii uu saddexleey dhaliyay guushii 5-0 ee Real Madrid ka gaartay Kairat Almaty.
Xiddigan 26-jirka ah ayaa bishii hore labo gool ka dhaliyay Marseille, kulankii ay Madrid 2-1 ku badisay.
Mbappé ayaa hal gool ka horreeya weeraryahanka Bayern Munich, Harry Kane, oo kaalinta labaad kaga jira liiska gooldhalinta.
Gooldhalinta Champions League ilaa hadda:
5 gool – Kylian Mbappé (Real Madrid)
4 gool – Harry Kane (Bayern Munich)
3 gool – Jonathan Burkardt (Frankfurt)
3 gool – Anthony Gordon (Newcastle)
3 gool – Erling Haaland (Manchester City)


