Inkabadan 250macalimiin oo Tababar kusaabsan maamulka Waxtarka ah looga daahfuray Baladweyne

0
116

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka Jaamacadda Central ayaa Magaalada Baladweyne ku qabtay munaasabad si rasmi ah loogu daahfuray tababar ku saabsan Maamulka Dugsiyada Waxtarka leh, kaas oo loo qabtay in ka badan 250 macallimiin iyo maamulayaal ka kala yimid dugsiyada magaalada.

Munaasabadda furitaanka tababarka waxaa ka soo qeybgalay maamulka sare ee Jaamacadda Central, oo ay kamid yihiin Dr. Shaafici iyo Professor Abdirusakh, kuwaas oo kamid ah macallimiinta tababarka bixinaya. Waxaa sidoo kale ka qeybgalay maamulayaasha iyo macallimiinta dugsiyada Baladweyne.

Warbixintaan waxaa  soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here