Baladweyne ( Radio Beerlula )-Haweeney ka soo jeeda gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah kadib markii ay isku dayday in ay biyo ku qarqiso gabar 3-sano jir ah oo Muslimad Mareykan ah sanadkii 2024-kii, weerarkaas oo ay mas’uuliyiintu sheegeen in uu salka ku hayay cunsuriyad. Gabadha ayaa la sheegay in qoyskeeda ay ka so jeedeen Flaastiin.
Diiwaanada maxkamada oo ay soo xigatay CBS News iyo Fort Worth Star-Telegram ayaa muujiyay garsoore Andy Porter inuu xukunka ku riday Elizabeth Wolf, 43 sano jir ah, ka dib markii ay qiratay dambiga isku day dil iyo halis galin ilmo.
Wolf ayaa lagu soo oogay dacwad sannadkii hore ka dib weerarka, kaasoo uu cambaareeyay madaxweynihii xilligaasi Joe Biden. Sida laga soo xigtay warbixinnada booliiska, Wolf ayaa gabadha yarhooyadeed la murantay ka hor inta aysan waydiin halka ay qoysku ka yimaadeen.
Kadib waxa ay damcday inay qarqiso wiilka 3 jirka ah waxa ayna isku dayday in ay qabto gabadha walaalkeed oo 6 jir ahaa.


