Rashford Oo Ku Dhawaaqay Bartilmaameed Cajiib Ah

0
52

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka reer England Marcus Rashford ayaa si weyn ugu faraxsan nolosha cusub ee uu ka helay Barcelona kadib markii uu xagaagii ka tagay Manchester United, waxaana hadda soo baxay in uu dejistay bartilmaameed shaqsiyeed oo aad u sarreeya.

Rashford, 27 jir, ayaa amaah ugu biiray Barca bishii July kadib markii uu ka mid noqday ciyaartoyda Ruben Amorim ee lagu daray “bomb squad”-ka Man United. Xilli ciyaareedkii hore wuxuu lix bilood amaah ah ku joogay Aston Villa.

Heshiiskiisa amaahda ee Barca waxa uu xambaarsan yahay ikhtiyaar £26 milyan ah oo lagu iibsan karo xagaaga dambe. Ilaa hadda, Rashford waxa uu sameeyay laba gool iyo shan caawin sagaal kulan oo tartamada oo dhan ah, taas oo ka dhigtay bilow wanaagsan oo uu Nou Camp ku yeeshay.

Si kastaba ha ahaatee, Rashford ayaa diiradda saaray abuurista goolasha. Warbaahinta Spain ee Mundo Deportivo ayaa sheegtay in weeraryahanka uu dejistay bartilmaameed ah 30 ilaa 40 caawin xilli ciyaareedkan – inkastoo uu saddexdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay oo dhan isku dar ahaan sameeyay kaliya 27 caawin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here