Nin ka mid ahaa dadkii ay Xamaas sii deysay oo baaq u diray Trump

0
96

Baladweyne ( Radio Beerlula )-La hayste hore Eli Sharabi, oo 491 maalmood oo ay Xamaas qafaal u heysatay kadib ogaaday in xaaskiisii iyo gabdhihiisii lagu dilay 7-dii October, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Trump inuu “dhammeystiro shaqada” si loo sii daayo dhammaan la haystayaasha haray.

Waraysigii ugu horreeyey ee uu ku bixiyo afka Ingiriiska oo shalay laga sii daayey warbaahinta ayuu ku sheegay in ay waajib tahay in dagaalka la joojiyo si dadka la haysto ay dib ugu laabtaan guryahoodii.

Waxa uu ka sheekeeyay dhibaatooyinkii uu kala kulmay sida jirdilka iyo gaajadii ay kooxda ku haysay, waxa uuna dib u xasuustay markii uu ogaaday sii dayntiisa in qoyskiisu aysan noolayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here