Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Daadmareer ee maamulka Soomaaliland ayaa xariga ka jaray saldhig Boolis oo laga hergeliyay magaalada Laanmullaaxo kaasi oo uu hergeliyay Cabdiraxmaan Xajiin oo kamid ah ganacsatada Somaliland.
Waxaa ka qeeybgalay munaasabadda xarig jarka maamaulka Gobolka, bulashada magaalada Laanmullaaxo, odoyaasha dhaqanka iyo marti sharafkale .
Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen.


