Xuutiyiinta Yemen oo xiray shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay

0
101

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sagaal xubnood oo dheeraad ah oo ka tirsan shaqaalaheeda si aan sabab loo sheegin ay u xireen maamulka Xuutiyiinta ee Yemen — taasoo tirada guud ee la xiray ka dhigaysa 53. Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in xariggan uu carqaladeynayo awoodda QM ay u leedahay inay gaarsiiso gargaar muhiim ah gudaha Yemen.

Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta ayaa dhankooda sheegay in xasaanadda sharci ee ay leeyihiin shaqaalaha QM aysan difaac u noqon karin waxa ay ugu yeereen “howlo basaasnimo.”

Yemen ayaa tan iyo markii Xuutiyiintu la wareegeen caasimadda Sanca sanadkii 2014, waxaa ay u kala qaybsan tahay maamul ay Xuutiyiintu ka taliyaan oo fadhigiisu yahay Sanca, iyo dowlad uu Sacuudigu taageero oo xarunteedu tahay magaalada Cadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here