Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbixin uu daabacay bogga CaughtOffside ayaa lagu sheegay in kooxda Chelsea ay bartilmaameedsaneyso saxiixa khadka dhexe ee Barcelona, Marc Casado, si ay u xoojiso safkeeda ka hor suuqa kala iibsiga jiilaalka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in kooxda reer England ay diyaar u tahay inay bixiso dalab rasmi ah bisha Janaayo, si ay u hesho saxiixa da’yarka reer Spain.
Casado ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibtoonaya inuu boos joogto ah ka helo shaxda tababare Hansi Flick, taas oo fursad siin karta inuu ka tago Barcelona si uu u helo waqti ciyaareed badan.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Chelsea ay horey isugu dayday inay lasoo wareegto Fermin Lopez intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, balse ciyaaryahanka ayaa diiday inuu baxo, isagoo doorbiday inuu sii joogo Camp Nou si uu uga sii hoos ciyaaro Hansi Flick.


